$10,000 KA SAMEEY YOUTUBE SHORTS | 2021


 Shirkada YouTube ka ayadoo latartameyso shirkada TikTok ayey soo kordhisey adeegaan cusub ee YouTube Shorts kaas oo u shaqeeyo sida TikTok ga oo kale oo loogu tala galay inaad soo galiso muuqaal gaarayo ilaa 60 Seconds; Hadaba shirkada YouTube ka ayaa u qorsheydsay ku dhawaad lacag dhan $100M sanadkaan aynu ku jirno ee 2021 ilaa dhamaadka sanadka 2022.

Kanaal walbo oo loo soo diro YouTube Short Fund ama loo soo aqbalo adeegaan waxa uu bil walbo heli doonaa lacag u dhaxaxeyso $100 ilaa $10,000 bil walbo, shuruudaha adeegaan cusub ayaa ka fudud mida YouTube Monitization ka kumana xirna in kanaal weyn aad leedahay iyo kale mana ahan adeegaan cusub mid xayeysiin lagalinayo muuqaalkaaga kaliya waa soo gali muuqaal daawashane hel lacagne sameey, arintaan ayaa faaido weyn ugu jirtaa dadka barta TikTok ga laga daawado oo aan wax lacag ah ka sameyn marka laga reebo Live ka.

Yaa loo ogolyahay in uu lacag ka sameeyo Shorts ka?

Waxaa loo ogolyahay qof walbo oo YouTuber ah ama kanaal YouTube leh ha yaraado kanaalka ama ha weynaa kaliya ay ku xiran tahay inta daawasho ama views aad hesho iyo meesha lagaa daawaday, adiga oo hada kanaal YouTube bilaaway ayaa bilooyin gudahood YouTube kugu soo aqbali kartaa adeegaan, faaida ugu weyn uu leeyahay shortrs ka marka laga soo tago lacagta waa in aad heleyso Subscribers badan YouTube kane ay dad badan kuu gaarsiineyso sida TikTok ga oo kale.

Waa maxay shuruudaha lagaa doonayo?

Shuruudaha lagaa doonayo si adeegaan aad lacag uga sameyso YouTube Shorts ayaa ah sida soo socoto:

1. Waxaa lagaa looga baahan yahay kanaalkaaga in uu soo galiyey ugu yaraan hal muuqaal oo shorts ah (waa in uu dhaxeeyaa muuqaalkaaga 0-60 seconds) 180 ka maalin ee ugu danbeysey ayaa lagaa doonayaa ugu yaraan hal muuqaal oo short ah.

2. Kanaalkaaga waa inuusan lahayn wax copyright ah ama uusan jibin shuruucda YouTube ka.

3. Kanaalada soo galiyo muuqaalada watermark ga leh ama logada leh sida Kuwa TikTok laga soo dajiyo lama ogola inaad lacag ka sameyso waa hadii ay kuu soo diraan inay ku ogolaadeen lkn si caadi ah waad soo galin kartaa lkn lacagta lama ogola.

sidoo kale lama ogola muuqalada hore loo soo gaiyey kaliya waxaa la ogol yahay si aad lacag uga sameyso muuqaal aad adiga leedahay oo original eh.

4. Waa inaad joogtaa wadamadaan hoos ku xusan mid kamid ah si aad lacag uga sameyso, hadii aad Somalia joogtid waad ku xiri kartaa address wadamadaan hoos ku xusan mid kamid ah:

  • Brazil
  • India
  • Indonesia
  • Japan
  • Mexico
  • Nigeria
  • Russia
  • South Africa
  • United Kingdom
  • United States

Wadamada kale goor dhow in ay kusoo dari doonaan ayey sheegeen.

Shirkada YouTube ka ayaa xaqiijisey in aysan qasab eheyn in monitization ka uu kuu furan yahay iyo inkale taa micnaheedu waa kanaal kaaga ha yaraado ama ha weynaado waad ka sameyn kartaa lacag shorts ka waa hadii YouTube ka kusoo aqbalaan.

Ogow: Adeegaan adiga ma dalbaneysid ee YouTube ka ayaa kuu soo direyso marka ay aragto shorts ka aad soo dhigeyso in shuruucda uu waa faqsan yahay views fiican ne uu helaa, sida caadiga ah ne shorts ka views badan waaba laga helaa hadaa dadaasho wey kuusoo diraayaan mudo bilooyin gudahood.
Previous Post Next Post